|
Puntland,(insidesomalia.org)- Kadib markii maalintii shaley Sarkaal ka tirsan garsoorka Puntland Sheekh Maxamuud Nuur Cali ku eedeeyey Mmaamul Goboleedka PunLand uu wado colaado hor leh oo dagaal looga abuurayo Koonfurta Galkacayo iyo Magaalada Laascaano ayaa waxaa beeniyey Wasiir ku-xigeen ka tirsan xukuumada Cadde.
Sheekh Maxamuud Nuur Cali ayaa sidoo kale Puntland ku eedeeyay in Labo Todobaad ka hor hub ka keensaden wadanka Iyoobiya, kaasoo uu sheegey in loo adeegsanyo Dagaal Hor leh.
Eedeynta sarkaalkan ayaa timid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in 26 August 2008 Lix Baabuur [ nooca loo yaqaan Waraadka] oo hub sida ka soo galeen Magaalada Galkacayo dhinaca Galdogob, kuwaasoo uu horkacayey xubin sare oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta. Hubkaan ayaa la tibaaxey in lagu xereeyey xaruntii Enji ee Magaalada Galkacayo.
Dhinaca kale warkaan ayaa waxaa beeniyey Wasaiir ku-xigeenka Amniga ee Puntland Faarax Cabdi Doorshe oo wareysi uu siiyey Idaacada BBC-da laanteeda Af Soomaaliga, kaasoo sheegey in eedeeyntaan tahay mid aan raad iyo sal laheyn.
Farax Doorshe ayaa hoosta ka xariiqey dhinaciisa in uusan jirin hub Itoobiya u keentey Puntland isaga oo sarkaalka hadalka soo jeediyay ku eedeeyey Mas'uuliyad xumo.
Ku-xigeenka amniga Puntland ayaa sidoo kale dilkii loo gaystey ninkii Maxbuuska ahaa oo lagu diley gudaha saldhiga Booliska Galkacayo ku tilmaamey in ay aheyd wax laga yaq yaqsado, taasoo uu sheegey in eheladii Marxuumka magdhow laga siin doono dilkaan.
Dhinaca kale eedeeynta Sarkaalka ka tirsan Garsoorka Puntland ayaa soo baxdey xili ay isa soo tarayan warar sheegaya in Wasiirka Maliyada Puntland oo iminka ku sugan Magaalada Bosaso uu amrey in dakada Bosaso loo xiro dagaalo laga cabsi qabo in lagu soo qaado Magaalada Galkacayo.
Wasiirka ayaa la sheegey in uu amrey in lacag gaareysa 12 Bilyan oo shilin Soomaali ah laga baxsho dakhliga Dowladda uga soo xeroonaya Dakada Bosaso.
Xanibaada dakhligaan ayaa timid xili Shaqaalaha iyo askarta Puntland aysan mushahar qaadan muddo 5 bilood ah taasoo dad badan ka muujinayaan wel-wel xoogan.
Wararkaan soo baxaya ayaa yimid xili doorashooyinkii Puntland muddo sadex bilood ah ka dhiman tahay, taasoo dad badan oo ka tirsan shacabka Puntland dhaq dhaqaaqyadan ku tilmaamayaan kuwo xaalad abuur ah, laguna waxyeeleynayo doorashada la filayo in ay ks dhacdo Deegaanada Puntland.
|